Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya inuu maalintii saddexaad ka socdo dagaal dhaliyey qasaare dhimasho, dhaawac iyo barakac.
War maanta kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in “kooxo xagjir ah ay saaka weerar ku qaadeen ciidamada Somaliland oo ku sugan fariisimahooda, ayna ku jiraan is-difaac”.
Dadka ku sugan magaalada ayaa dhinacooda sheegay in ciidamada Somaliland ay duqeynayaan gudaha magaalada, halka ciidamada degaanka ee SSC ay duleedyada magaalada Laascaanood kula dagaalamayaan ciidamada Somaliland.
Ku-xigeenka wakiilka Q/midoobay ee Soomaaliya, una qaabilsan arrimaha Bani-aadamnimada Adem Abdelmoula ayaa sheegay in dagaallada Laascaanood ay ku barakaceen ilaa 80-kun oo qof, isla markaana uu dhaliyay xaalad bani’daamnimo oo ba’an iyo qasaare dhinac waliba leh.
Shir jaraa’id oo ay maanta qabteen Golaha Deganaka Laascaanood oo uu horkacayo Duqa magaalada Cabdirixin Cali Ismaaciil ayey ku sheegeen in Ciidamada Somaliland ay duqeyn xoog leh ku wadaan magaalada, iyagoo caddeeyay in dagaalku u dhaxeeyo Beesha Dhulbahante iyo Somaliland, wax Argagixiso ahna aysan joogin Laascaanood, isla markaana aysan ciidamada Puntland dagaalka qeyb ka ahayn.
Baaqii ugu horeeyay ee dagaalka lagu joojinayo ayaa kasoo baxay Salaadiinta iyo Odayaasha Dhaqanka Somaliland, waxaa kaloo dagaalka in la joojiyo ku baaqday dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa codkeeda ku biirisay in xal wadahadal loo helo xiisada ka taagan Laascaanood.
Somaliland oo deganka maamuleysay sanado badan ayaa u muuqata inaysan heynin qaab ay xaaladda dagaal ku maareyso iyadoo qirtay inay dadka degaanka dagaal kula jiraan, balse waxay eedeyn u jeedisay kooxo argagixiso ah iyo ciidamada Puntland inay dagaalka qeyb ka yihiin.
Ma jiro dhinac dhexdhexaad ah oo waanwaan ka dhex wada dagaalka Laascaanood ka socda xilligan, marka laga reebo baaqyada nabadeed ee soo baxay.