Monday, June 23, 2025

Somaliland oo Ajaaniib ay Soomaalidu ku jirto ku Amartay inay isaga baxaan Degaanadeeda

Maamulka Somaliland ayaa muddo 20 maalmood ah u qabatay inay dalkeeda kaga baxaan dadka ajaaniibta ah ee aan haysan sharciga oo ay ku jirto Soomaalida kasoo jeeda Koonfura Soomaaliya.

War kasoo baxay Ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland ayaa lagu wargeliyey inay halkaasi isaga baxaan dhammaan dadka sharci-darrada ku jooga Somaliland ugu danbeyn 17 Ogost 2022.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Ad

Taliska Ciidanka Socdaalka Jamhuriyadda somaliland wuxuu ku wargalinayaa Ajaanibka Sifo Sharci daro ah ku jooga dalka Somaliland in ay kaga baxaan muddo Labatan (20) cisho ah oo ka bilaabma 28/07/2022 ilaa 17/08/2022.

Sidoo kale waxaa lagu wargalinaya shirkadaha, Hayadaha iyo Ganacsata ay ka hawl’galaan shaqaale ajaanib ah, in ay ka shaqeeyan oo qudha ajaanibka haysta dalkujoog sax ah (Visa ama Qaxooti).

Waxaa looga digaya goobta ganacsi, shirkad ama haayad ee lagu helo shaqaale bilaa sharci ku jooga dalka jamhuriyadda somaliland oo ka shaqeenaya, in laga qaadi doona talaabo sharciga waafaqsan mulkiilaha goobtaas.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON