Sunday, July 6, 2025

Somaliland oo dhalinyaro Soomaaliyeed u gacan gelisay sirdoonka Itoobiya

Ehelada dhalinyaro lagu qabqabtay magaalooyinka Hargeysa iyo Laascaanood ayaa ka hadlay falal ay ciidamada maamulka Somaliland ku qabteen dhalinyaro kadibna ay ugu gacan geliyeen ciidamada sirdoonka Itoobiya oo kadibna la geeyay xabsi ku yaala magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Somaliland-itobiya

Muuse Sheekh Cumar oo ka mida dadka ehelka u ah laba wiil oo ka mida dhalinyarada Somaliland ua gacan gelisay dowladda Itoobiya ayaa sheegay in dhalinyaradaasi ay ahaayeen dad rayid ah oo caadi ah oo ciidamada Somaliland u gacan geliyeen dowladda Itoobiya, iyagoo ku eedeynaya inay xiriir la leeyihiin ONLF iyo Suldaan Wabar oo ah hogaamiye ku kacsan Somaliland.

Labada wiil ee Somaliland u gacan gelisay Itoobiya waxay magacyadooda kala yihiin: Axmed Sheekh Cumar  iyo Keyd Maxamed Askar, sida u sheegay Muuse Sheekh waxaa wiilashan laga qabtay Hargeysa iyo Laascaanood 10-kii bishan. waxaa kaloo jirta gabar iyadana ay Somaliland u  gacan gelisay ciidamada Itoobiya.

Wiilasha dhalinyarada ah ayaa kasoo jeeda Killinka Shanaad, waxayna  ka mid yihiin kiisas maamulka Somaliland ku lug yeeshay oo dad Soomaaliyeed markii ay qabtaan kadib ku wareejiya sirdoonka Itoobiya ee degaanadooda ka howlgala.

 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON