Somaliland ayaa difaacday sida loo kala qeybsaday faa’iidada kasoo baxeysa dekedda magaalada Berbera oo saami aan hore loo ogeyn laga siiyay dowladda Itoobiya.Magaalooyinka Somaliland ayaa si weyn looga hadal hayay in 19% saami faa’iidada ka soo baxaysa dekedda magaalada Berbera qayb ahaan loo siiyay dawladda Itoobiya.
Warkan ayaa soo baxay markii Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee Midoobay ee DP WORLD oo balaarin ku samaynaysa dekedda Berbera ay dorraad la wareegtay.
Afhayeenka madaxweyne Siilaanyo, Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa ku dooday in saamiga la siiyay Itoobiya aanay ahayn mid ay Somaliland bixisay. Wuxuu sheegay in sharciyan ay shirkadda DP WORLD oo saamigaasi siisay Itoobiya ay xaq u leedahay inay bixiso.
Arrintan ayaa shaki badan iyo welwel ka abuurtay Somaliland, waxaana soo shaac baxday in door qarsoon ay Itoobiya ku lahayd heshiiska ayna noqotay qeyb ka mida qeybaha ka faa’iideysanaya dekadda Berbera.
DHAGEYSO WAREYSIGA VOA
Goobjooge.com