Maamulka Somaliland ayaa jawaab ka bixisay codsi la sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu Boqortooyada Sacuudiga ka codsaday joojinta saldhigga milateri ee Imaaraadku ka sameysanayo magaalo xeebeedka Badda Cas ee Berbera.
Wasiir ku-xigeenka madaxtooyada Maamulka Somaliland Axmed Xaashi C/llaahi ayaa sheegay inaysan jirin cid joojin karta saldigga ay siiyeen Imaaraadka.
Wuxuu sheegau inay wax lagu qoslo in Sucuudiga uu ka joojiyo Imaaraadka qorshaha ay ku difaaceyso dalkeeda, sida uu yiri, isagoo ku dooday in Somaliland u madax bannaan tahay heshiisyada caalamiga ah.
Wasiir xigeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa Madaxweyne Farmaajo kula taliyay inuu shaqadiisa ka dhigo amniga magaalada Muqdisho, halkii ku mashquuli lahaa Somaliland.
Goobjooge.com