Ciidammada amniga maamulka Somaliland ayaa shaaciyye inuu Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ka qabtay labo wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar, oo baxsad ahaa.
Labadan wasiir ayaa kala ah wasiirkii hore ee waxbarashada Ibraahim Aadan Mahad (Ibraahim Sacab) iyo wasiirkii caddaaladda Cabdi Jamaal Axmed Qaloonbi. waxaaana labada wasiir la sheegay inay si dhuumasho uga baxsanayeen degaanka Soomaalida Itoobiya, markii xilka uu ka degay Cabdi Iley.
Saraakii ka tirsan Somaliland ayaa ku eedeeyay wasiiradaan inay si dhuumasho ah ku soo galeen Somaliland iyagoon wadan dal ku gal, isla markaasna ay rabeen in ay garoonka ugu duulaan si dhuumasho ah.
Wasiiradan ayaa ku sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, lamna oga inay Somaliland dib ugu celin doonto Itoobiya iyo inkale.