Tuesday, June 24, 2025

Somaliland oo joojisay Bandhig Faneed ay Hargeysa ku qaban lahayd Fanaanadda Kiin Jaamac

Wasaaradda Diinta Somaliland ayaa joojisay bandhig fanneed lagu waday inuu caawa ka dhaco magaalada Hargeysa.

Bandhig faneedka oo muddo la xayeysiinayey waxaa qaban lahayd fanannada “Kiin Jaamac”, laakiin wasaaradda ayaa sheegtay inuusan jirin wax oggalaansho ah oo ay bixiyeen guddida awoodda u leh bixinta ruqsadaha, sidaasina lagu joojiyey.

Dhinaca kale wasaaradda Waraafinta maamulka Somaliland ayaa fasaxday bandhigga fannaannada Kiin Jaamac, waxaana fannaannada laga soo xigtay inay ku socon doonto bandhigeeda.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADDA

Ku: Mulkiilaha iyo Maamulaha ROYAL PALACE HOTEL -HARGEISA
Og: Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha-SL = Hargeisa
Og: Taliyaha Ciidanka Booliska JSL = Hargeisa
Og: Badhasaabka Gobolka Maroodijeex = Hargeisa
Og: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

Ujeeddo: joojin xaflad bandhig faneed

Mudane, Sida aad la socoto Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu waxa ay qaranka wakiil uga tahay guud ahaan diinta iyo ilaalinta dhaqanka iyo anshaxa suubban.

Haddaba, waxa lagu farayaa in la joojiyo bandhig faneedka la qorsheeyey caawa oo ay taariikhdu tahay 7/October/2021 kaas oo ay qabanayso fanaanadda “Kiin Jaamac” Maadaama aanay jirin wax oggalaansho ah oo ay bixisay guddida awoodda u leh bixinta ruqsadaha bandhig faneedyada sida ku cad xeerka ilaalinta anshaxa iyo nabadgelyada guud xeer LR. 51/2012 Waxa aan filayaa in aad u hogaansami doontaan amarkan.

Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani
Wasiirka Wasaaradda Diinta & Awqaafta JSL

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON