Maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay Berri tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal (Soonfur) ee Ciidu fitriga, iyadoo laga arkay degaano ka mida maamulkaasi.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa shaacisay in Bishii Shawaal laga arkay degaano ka tirsan maamulkaasi, isla markaana ay Berri noqon doonto maalinta koowaad ee Bisha Shawaal.
Wasiirka ayaa sheegay in curashada bishan laga arkay deeganaanka Ceegaag oo ka tirsan degmada Caynaba iyo meelo kale, wuxuuna hambalyo u diray dadka Somaliland iyo muslimiinta dunida.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa farriin hambalyo ah u diray shacabka Somaliland iyo shucuubta caalamka.
DHINACA SARE KA DAAWO