War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu faahfaahiyey socdaalka Madaxweynaha maamulkaasi ku joogo Mareykanka iyo waxyaabaha u qabsoomay.
Qaraarka iskaashiga Mareyanka iyo Somaliland ayaa ugu muhiimsan, kaasoo ay wadaan senatooro ka mida Koongareeska dalkaasi, kuwaaso oo soo jeediyey in Mareykanka xiriir dhow la yeesho Maamulka Somaliland.
Wafdiga Muuse Biixi ayaa shaaciyay in qaraarka uu jideynayo in Wasiirka Arrimaha Dibaddu uu qiimeeyo qoddoban:-
1• Kaalmada Maraykanku siiyey Somaliland
2• In adeegyo qunsuliyadeed la siiyey Somaliland iyo 2
• In qiimeyn dhinaca ammaanka la xidhiidha, talooyinka socdaalka Maraykanka iyo muwaadiniinta doonaya inay booqdaan si ay ganacsi uga sameeyaan Somaliland.
Xeerkani waxa kaloo uu dhigayaa in Wasaaradda Gaashaan-dhiggu sameyso daraasad ku saabsan iskaashiga ammaanka ee ay yeelanayaan Maraykanka iyo Somaliland oo ay ka mid yihiin:
3• Fursado ku wajahan in Maraykanku uu tababaro Laamaha ammaanka ee Somaliland.
4• In laga aasaaso magaalada Hargeysa “Machadka Maraykanka ee Somaliland”, kaasi oo toos iskugu xidhaya Dawladaha Somaliland iyo Maraykanka, lana mid ah cilaaqaadka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Maraykanka iyo Taiwan.