Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay mowqifka dowlada Federaalka Soomaaliya ka qaadatay heshiiska ay Itoobiya ku biiray mashruuca dekadda Berbera ee shirkadda DP World ay maamusho.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland C/raxmaan C/laahi Faarax (Guri Barwaaqo) ayaa in dowladda Soomaaliya aysan waxba ka khuseyn dowladda heshiiska Dekedda Berbera, isla markaana inkastoo aan la aqoonsan Somaliland ay haddana tahay xaqiiqo jirta.
Wuxuu caddeeyay in Somaliland ay dowladnimadoodii la soo noqdeen, taasoo ay marag ugu filan tahay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan Imaaraadka hortiisa lagu saxiixay heshiiska.
DHAGEYSO