Maamulka Somaliland ayaa sii daayay xildhibaan katirsan Baarlamaanka Puntland in ku dhow laba toddobaad
ay gacanta ku hayeen.
Xildhibaankan oo lagu magacaabo Maxamed Faarax Aadan (Canjeex) iyo ciidamo kale ayaa isaga iyo ciidamadii ilaalada u ahaa ayaa lagu qabtay dagaaladii dhowaan ka dhacay Gobolka Sanaag oo ciidamo ka kala socda Somaliland iyo Puntland dhex maray.
Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanka sii deyntiisa ay ka danbeysay wadahadallo dhexmaray Puntland iyo Soomaaliland oo dhinaca kale hakiyay xiisadii colaadeed ee ka taagneyd degaanada Sanaag ka tirsan oo labada maamul isku heystaan.
Xildhibaan Maxamed Faarax Canjeex ayaa markii la qabtay kadib lagu xiray xabsi ku yaala magaalada Ceerigaabo. Wadahadalka ayaa la sheegay inay qeyb weyn ka qaareen Odayaasha deegaanka.
Maxamed Faarax Canjeex ayaa waraysi lala yeeshay ku sheegay in siidayntiisa ay ku timid wadahadal Puntland iyo Somaliland dhexmaray, iyadoo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu amray in la siidaayo.
Goobjooge.com