Tuesday, June 24, 2025

Somaliland oo Somalia ku dartay dalalka xaaladoodu khatarta tahay ee Coronavirus & Diyaaradihii oo la joojiyay

Somaliland ayaa soo saartay amarro ku saabsan ka hortagga cudurka Coronavirus, iyadoo la joojiyey duulimaadyadii tegi jiray magaalada Hargeysa ee ka imaanaya dalalka laga helay cudurka COVID-19 oo Soomaaliya ka mid tahay.

Qoraal kasoo baxay Guddiga Somaliland u qaabilsan diyaar garowga iyo ka hortaga cudurka Coronavirus ayaa soo saaray go’aanadan, waxaana ka mida: in la joojiyey Duulimaadyada iyo rakaabka ka imaanaya dalalka xaaladoodu khatarta tahay sida: China, Italy, Spain South Korea, Iran, France, Kenya iyo Soomaaliya.

Somaliland ayaa dalalka ay xaaladooda khatarta tahay ee cudurka Coronavirus ku dartay Somalia iyo Kenya, iyadoo dhinaca kale ka reebtay Itoobiya oo ka mida dalalka cudurka laga helay, waxaana joojinta duulimaadyada dalalkaasi ay dhaqan galeynaa 19-ka Maarso 2020.

Dhinaca kale go’aanadaan waxaa ka mida amar ku socda goobaha waxbarashada oo muddo Afar Todobaad ah la xirayo, iyado Masaajidyada la amrey in salaada oo kaliya loo furayo waqti kooban, lana joojiyey isu imaatinka kale.

HOOS KA AKHRISO


NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON