Friday, January 21, 2022

Somaliya oo bixin weyday Qaaraankii Q/Midoobay (Sidee loogu ogolaaday inay sii lahaato Codeynta..?)

Soomaaliya ayaa ka mida dalal dhowr ah oo aan bixin Qaaraankii xubinnimada Qaramada Midoobay, waxaana taasi lagu weyn karaa codeynta qaraarrada Qaramada Midoobay oo muhiim u ah dal kasta.

Dalalka Iran, Venezuela iyo Sudan oo lagu leeyahay Lacag ku ururtay oo Qaaraanka Qaramad Midoobay ah, qeybna ka ah miisaaniyada UN-ku ku shaqeeyo, ayaa ka mida 8 Dal oo waayi doona xuquuqdooda codbixinta ee Golaha loo dhan yahay oo ka kooban 1933 dal, sidaana waxaa qoraal la faafiyey k usheegay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Dalalka kale ee lumiyay xuquuqda cod bixinta Qaramada Midoobay waxaa ka mida: Antigua iyo Barbuda, Republic of Congo, Guinea, Papua New Guinea iyo Vanuatu, sida uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ku sheegay warqadda uu u diray Madaxweynaha Golaha Guud Abdulla Shahid.

Ad

Golaha loo dhan yahay ee Q/Midoobay ayaa go’aamiyay in saddex dal oo Afrikaan ah oo ku jira liiska dalalka Qaraanka lagu leeyahay ee weyn lahaa Codeynta oo kala ah: Somaliya, Comoros, iyo Sao Tome and Principe ay sii heystaan xuquuqdooda codbixinta ilaa kulanka guud ee sanadkii hore, markii xaaladahooda liita loo eegay.

Soomaaliya ayaa lagu leeyahay lacagtii Qaaraanka Q/Midoobay oo ku dhow 1.5 Milyan oo Dollar. Waxayna arrintan imaaneysaa iyadoo madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Soomaaliya dhowaan shaaciyey inay Soomaaliya u sharxan tahay ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qarmada Midoobay.

- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

160,855FansLike
2,535FollowersFollow
5,938FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

160,855FansLike
2,535FollowersFollow
5,938FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!