Tuesday, July 1, 2025

Xubnaha u tartamaya Guddoonka Guddiga Doorashada FEIT oo lagu soo rogay Lacag diiwaangelin ah!

Guddiga qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Guddiga Doorashada heer Federaal ayaa shuruudo cusub kusoo rogay xubnhaa u tartamaya Guddoomiyaha Guddigaasi iyo ku xigeenkiisa.

Shuruudaha oo ah kuwo aan hore loo arag ayaa waxaa ka mida: in musharixiinta Guddoomiyaha Guddiga ay bixiyaan lacag lagu sheegay diiwaangelin oo dhan $3000, halka guddoomiye ku xigeennada ay bixinayaan $2000.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Gudiga loo doortay qaban qaabadda doorashadda shir-gudoonka Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal waxa ay soo sAareen go’aamadan.

Shuruudaha Murashaxnimo.

1. Waa in uu yahay xubin ka mid ah Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

2- Murashaxiinta u tartamaya jagada gudoomiyaha waa in ay shubaan lacagta fiiga diiwaan galinta oo dhan 3000$ oo lagu shubaya akoonada doorashoyinka dalka.

3- Murashaxiinta u tartamaya jagada gudoomiye ku xigeenka guddiga waa in ay shubaan lacagta fiiga diiwaan galinta oo dhan 2000$ oo lagu shubayo akoonka doorashooyinka dalka.

4. Gudoomiye ku xigeenka guddigu waa in uu is casilaa hadii uu u tar tamayo jagada bannaan ee gudoomiyaha GHDHF warqada is casilaada waa in uu soo raaciyaa qodobka 2aad.

Qaabka Cod bixinta.

1. Cod bixintu waa Qarsoodi.

2- Waxa lagu codaynayaa sanduuga codbixinta.

3- Hadii ay tar-tamaan 3 murashax iyo kabadan waxa wareega koowaad lagu kala guulaysanayaa 50+1 ee tirade guud ee gudiga oo ah 25 xubnood waana nidaamka qorshe hawleedka guddiga doorashooyinka ay ku hogaaminayaan doorashada golaha shacabka, tusaale murashaxa hela 13 cod iyo kabadan ayaa kuguulaysanaya tartanka.

4. Waxa ay doorashadu dhacaysaa maalinta sabtida ee ku beegan 15/1/2022 saacadu marka ay tahay 11:00am 5- Goobta codbinintu waa teendhada afisyooni.

Korjoogteeyn Waxa doorashadan lagu casuumayaa Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Wasiirka Arimaha Gudaha, Shirgudoonka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada, Shir gudoonada gudiyada SEIT ka, UNSOM, UNDPSomalia, Safaaradaha beesha caalamka, Goobjoogayaasha, Ururada Bulshada Rayidka ah, Wakaalada Wararka ee SONNA iyo Bahda Warbaahinta.

Ahmed Adem Dagal (Safiina)
Gudoomiyaha Gudiga Qabanqaaabada

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON