Wararka laga helayo dalka New Zealand oo maanta weerar lagu qaaday Masjidyo dad muslimiin ah ku tukanayeen ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ka mid yihiin dad Soomaali ah.
Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyey in saddex qof oo Soomaali ah lagu dilay weerarka oo ay xilligan Booliska New Zealand sheegeen in dadka dhintay ay gaareen 49 qof, waxaana Masjidka weyn ee weerarku dhacay oo ku yaalla magaalada Christ Church ee dalka New Zealand maamulkiisa madax ka ahaa dada Soomaali ah, iyadoo imaamkuna uu ahaa nin Soomaali ah.
Dadka Soomaalida ah ee ku dhintay weerarka Masjdka Alnuur waxaa ka mida wiil lix sano jir ahaa, waxayna kala yihiin:
1- Sheekh Muuse Nuur Cawaale
2- Sheekh Cabduqaadir
3- Cabdullaahi Aadan Diiriye oo ah wiil Lix sano jir ah, sidoo kale waxaa weerarka ku dhaawacmay Aabihii Aadan Diiriye.

Adan Diiriye oo wada wiilkiisa Cabdullahi Adan Diiriye oo Meyd ah