Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dad badan oo Soomaali ah ay laayeen Oromada kadib markii uu dib u qarxay dagaalkii isirka ahaa ee u dhaxeeyay labada Qomwiyadood gudaha Itoobiya.
Dad ka badbaadya weerar ka dhacay tuullada Gadule ee hoostagta degmada Darullow ayaa sheegay in dad gaaraya 65 qof lagu diley weeraray ku soo qaadeen dad Oromo ah, laakiin madaxa Warfaafinta deegaanka bariga Harerge ee dowlad gobolleedka Oromada, Cabdirisaaq Maxamed oo la hadlay laamaha Afarka Itoobiyaanka ee VOA-da, ayaa tirada dadka dhintey ku sheegay 14 qof.
Wuxuu ku doday in weerarka uu yimid markii duullaan qaadeen ciidamada Liyuu Boliiska ee is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayna 2 qof ku dileen deegaanka Gadule. Dhinaca kale mas’uuliyiinta Degaanka Soomaalida ayaa sheegay in dadka la dilay ay gaarayaan 65 Qof oo Soomaali ah, kuwaas oo ku jiray Hal Guri oo ay ku Go’doonsanaayeen.
Dagaalka dib u qarxay ee Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada Itoobiya ayaa imaanaya iyadoo xiisadii hore la qaboojiyay markii madaxda labada maamul ay heshiis kala saxiixdeen, kaasoo ay kasoo shaqeysay dowladda Federaalka Itoobiya.