Wednesday, June 25, 2025

Soomaaligii Afraad oo Coronavirus ugu geeriyooday London & Wararkii ugu danbeeyay xaalada Nuur Cadde

Wararka laga helayo magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in Soomaali badan uu soo ritay cudurka, iyadoo la xaqiijiyey inuu xalay qofkii afraad u geeriyooday cudurka.

Qofkii ugu danbeeyay ee Soomaali ah ayaa xalay Coronavirus ugu geeriyooday magaalada London, waxaana lagu magacaabi jiray Maxamed Salaad oo deganaa Waqooyiga London, una xanuunsanaa Coronavirus, iyadoo ala soo weiyey ina qabaan xaaskiisa iyo caruurtiisa qaarkood.

Dhinaca kale xaaladda caafimaad ee Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa la sheegay inay degan tahay, iyadoo xaaladiisa lagula tacaalayo isbitaal ku yaalla magaalada London, waxaana sidoo kale cudurka qaba wiilkiisa.

Warar been abuur ah ayaa xalay laga faafiyey Nuur Cadde oo lagu sheegay inuu geeriyooday, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inuu aad u fiican yahay, oo xaaladiisa ay tahay mid soo hagaageysa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON