Wednesday, July 23, 2025

Soomaaliya kaalinta koowaad ka gashay Dalalka ugu musuqa badan Dunida 2017 [Sanadkii koowaad ee Madaxweyne Farmaajo]

Soomaaliya ayaa mar kale kaalinta koowaad ka gashay liiska dalalka ugu musuqa badan dunida ee aan waxba laga qaban madaxda ku dhaqanta musuqmaasuqa sanadkii 2017.

Warbixin sanadeedka ay soo saarto Hay’adda Caalamiga ah ee Transparency International ayaa Soomaaliya dhigtay mar kale halka ugu hooseysa liiska oo ah dalka ugu musuqa badan dunida, waxaana kaalinta labaad ku jira dalka Suudaanta Koonfureed, halka dalalka Siiriya, Afgahnistan iyo Yeman ay ku jiraan kaalimaha saddexaad, afraad iyo shanaad sida ay u kala horeeyaan.

Liiskan sannadlaha ah ayaa dhinacyada uu qiimaynta ka eego waxaa ka mid ah laaluushka iyo madaxda oo xukuumadaha oo aan lagu ciqaabin musuqmaasuqa. Waxaa la filayay in xaaladda Soomaaliya ay kasoo reyso markii uu xukunta la wareegay madaxweyne Farmaajo oo doorashadiisii ku galay dagaal lagu qaado Musuqmaasuqa, taasoo u muuqata inaysan waxba iska bedelin.

TOBANKA DAL EE UGU MUSUQA BADAN DUNIDA WAXAA UGU HOREEYA DALKA UGU HOOSEEYA LIISKA

CountryISO3RegionCPI Score 2017Rank standard errorLower CI Upper CInumber of sources
Korea, NorthPRKAP171714.1810244
Equatorial GuineaGNQSSA171713.5611233
Guinea BissauGNBSSA171711.714205
LibyaLBYMENA171713.0512225
SudanSDNSSA161752.3112207
YemenYEMMENA161751.8513197
AfghanistanAFGAP151771.3913175
SyriaSYRMENA141781.9311175
South SudanSSDSSA121791.569155
SomaliaSOMSSA91802.265135

 

Warbixinta ayaa sheegtay in dalalka ugu fiican dunida ee aan musuqa ku yar yahay waxaa ugu horeeya dalaka:

1. New Zealand

2. Denmark

3. Finland,

4- Norway

5- Switzerland

6. Singapore,

7- Sweden

8. Canada

9- Luxembourg

10- Netherlands

11- Britain

12. Germany

Dalalka Scandanevian-ka ayaa kaalimaha hore weli heysta, iyadoo dalal badan oo Afirkaan ah aanay waxba iska bedelin xaalada musuqa ee ka jira.

Dalalka ugu musuqa badan dunida ee Soomaaliya ugu horeyso waxay u kala horeeyaan sida soo socota: [dalka ugu hooseeya ayaa ugu musuq badan].

Sanadkii hore waxay Soomaaliya heysatay 8 dhibcood oo ay isku mid ahaayeen Soomaaliya iyo Kuuriyadda Waqooyi, balse sanadkan waxay Soomaaliya heshay 8 dhibcood iyo halka ugu hooseeya, halka Kuuriyada Woqooyi ay sare u kacday oo ay heshay 17 dhibcood, Soomaaliyana ay sidaasi keligeed ku qaaday koobka musuqmaasuqa dunida.

169. Venezuela

170-  Iraq

172. Libya

173 – North Korea

175. Yemen,

176- Sudan

177. Afghanistan

178. Syria

179. South Sudan

180. Somalia

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON