Soomaaliya oo 30 sano kadib lagu qabanayo Ciyaar caalami ah oo dhex mareysa Xulalka dalalka…

Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay middo ku dhow 30 sano marti gelin doonta ciyaar kubadda cagta ah oo heer Goboleed.

Xiriirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in xulka da’doodu ka yar tahay 20 jirka ah ay magaalada Muqdisho ku casuumeen dhiggooda dalka Ereteriya, waxayna ciyaar saaxiibtinnimo ah magaalada Muqdisho ku yeelan doonaan 16-ka bishan Febraayo 2019.

Ciyaarta ka dhacaysa garoonka Banaadir waxay noqonaysaa ciyaartii ugu horreysay oo heer caalami ah oo ay martigeliso Soomaaliya muddo 30 sano ka hor. Walaaca nabadgelyada ayaa ku qasbaya in xulka Soomaaliya ay ku ciyaaraan goobo dhexdhexaad ah ama meel ka fog gurigooda.

Ad

‘Mustaqbalka nagu soo aaddan waxaan casuumi donnaa tartanka bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa’ ayuu yiri Cabdiqani Siciid Carab, oo ah madaxweynaha Xiriirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya.

‘Hadda waxaan haysannaa nabad … waan ku faraxsannahay in aan ugu danbayn martigelin doonno ciyaar heer caalami ah, soddon sano kaddib’

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

117,939FansLike
698FollowersFollow
2,758FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

117,939FansLike
698FollowersFollow
20FollowersFollow
2,758FollowersFollow
error: Content is protected !!