Monday, June 23, 2025

Soomaaliya oo Dib u soo ceshatay Xubinnimadii Midowga Boostada Adduunka (UPU)

Soomaaliya ayaa dib u soo ceshatay xubinnimadii Midowga Boostada Adduunka (Universal Postal Union -UPU), waxaana laga qaaday xayiraad saarneyd Boostada Soomaaliya muddo 30 sano ku dhow.

Munaasabadka dhacday Xarunta Dhexe ee UPU ee dalka Switzerland, ayaa lagu saxiixay heshiis u oggolaanaya in Soomaaliya dib u soo ceshato xubinnimo buuxda lagana qaado xayiraadda si ay uga faa’ideysato karo adeegyada UPU.

Heshiiskan ayaa u oggolaanaya Boostada dalkeena inay dalka dibeddiisa wax u diri karto, isticmaali karto dhammaan barnaamijyada UPU sidoo kalena heli karto taageerada farsamo ee ay xaqa u leeyihiin dalalka soo koraya.

Deynta Soomaaliya lagu leeyahay oo dhan lacag ku dhow 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo isugu jirta qaaraanka xubinimada oo dhan Hal Milyan doolar kaliya iyo dulsaar aruurey ayaa ka soo billaabatay Sebtember 1982-kii illaa 2018-kii iyada oo nasiib darro dalkeenu uusan ka faa’iideysan maadaama aysan jirin boosto si buuxda u shaqeyneysay tan iyo 1991-kii.

Munaasbadda Waxaa goobjoof ka ahaa Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Md. C/laahi Bile Nuur iyo Masuuliyiinta UPU ayaa wasiirka Boostada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan iyo Agaasimaha Guud ee UPU Danjire Bishaar C/raxmaan Xuseen.

Agaasimaha Guud ee UPU Bishaar Xuseen ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko Soomaaliya oo ah xubin buuxda “Maanta laga billaabo waxa aad ku soo noqoteen Bahda UPU, waxaadna heli doontaan dhammaan xuquuqda ay leeyihiin dalalka xubnaha ka ah.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Cashuur Xasan ayaa u mahadceliyay madaxda sare ee UPU oo uu ugu horreeyo Agaasimaha guud oo fududeeyay wax badan oo la xiriira deynta iyo habka loo bixin doono.

Wasaaradda ayaa dhamaadkii sanadka 2017 dib u soo celisay xubinnimada Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) taasoo loo xayiray deymihii qaaraanka lagu lahaa tan iyo 1983-kii.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON