Monday, July 14, 2025

XOG: Boqortooyada Sacuudiga oo Malaayiin Doolar siineysa Dowladda Soomaaliya

Wararka laga helayo xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya inay deeq malaayiin doolar ah ay dhowaan ka heleyso Boqortooyada Sacuudiga kadib go’aankii ay xiriirka ugu jartay dalka Iiraan iyo is barbartaagii ay Soomaaliya la saftay dalka Sacuudiga.

Soomaaliya ayaa ka sokow inay xiriirka u jartay Iiraan, waxay ka mid tahay isbaheysiga Sacuudigu hogaamiyo ee dagaalka kula jira xuutiyiinta Yeman iyo madaxweynihii hore ee dalkaasi, waxay kaloo ka soo dhex muuqatay isbaheysiga dalalka islaamka ee argagixiso la dirirka oo dhowaan Sacuudigu ku dhawaaqay.

Deeqda lacageed ee Sacuudiga siineyso Soomaaliya oo aan weli la shaacin ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la ogaado, iyadoo ay arrintan soo baxay kadib markii safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle waraaqihiisii aqoonsiga uu ka gudoomay boqorka Sacuudiga Salaam Bin C/casiis.

Safiir Geelle ayaa warkan farxada leh soo gaarsiiyay dowladda Soomaaliya, inkastoo  aan la ogeyn in qarsoodi laga dhigi doono sida deeqdii shaqaale ee la siiyay inay Soomaaliya u dirto Sacuudiga 5000 oo xoogsato ah iyo in kale.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON