Dowladda soomaaliya ayaa xoojisay ololaha diblomaasiyadeed ee ay ku dooneyso in xilka fulinta ugu sareeya urur gobolkeedka IGAD ay hanto markii ugu horeysay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa magaalada Adis-ababa ee kulamo is daba joog ah kula yeeshay wasiirada arrimaha dibadda ee dallaka Ethiopia, Kenya, Sudan, Jabuuti, Koonfurta Suudaan iyo Uganda oo uu kala hadlay sidii ay ugu codeyn lahaayeen musharaxa Sooomaaliya.
Wasiirkii hore ee arrimahad dibadda Soomaaliya Dr. C/salaam Hadliye Cumar ayay dowladda Soomaaliya u soo sharaxday xilka Xoghayaha Guud ee fulinta Urur Goboleedka IGAD oo ay ka mid tahay dalalkii asaasay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Wasiirada kula kulmay Addis Ababa, halkaasi oo uu ka socda shirka fadhigiisa 32-aad ee kulanka Golaha Fulinta ee Midowga Afrika.
Soomaaliya ayaa waxaa loolan kasoo wajahay dowladda Uganda oo xilkan dooneysa iyadoo bixisay qaaraankii ay IGAD ka rabtay, halka Soomaaliya ay ku ururtay lacag ku dhow Hal Milyan oo doolar oo aan la bixin.