Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay Suuqa Bariga Afrka ee EAC, iyadoo wafdi ka socda dowldda federaalka uu gudbiyay heshiiska ansixinta Golayaasha Dowladda ee sharciga EAC.
Xaflad ka dhacday maanta magaalada Arusha ee dalka Tanzania ayey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku gudbisay heshiiska rasmiga ah ee ku biirista Urur Gobolleedka Bariga Afrika.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah xubin uga noqotay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika(EAC), kadib munaasabad ka dhacday magaalada Arusha ee waqooyiga Tanzania.
Wafdiga dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Jibril Cabdirishiid Xaaji ayaa xoghayaha guud ee Ururkaas Dr. Pmathuki u gudbiyey dukumentiyada ansixinta iyo habraacyada ee ka mid noqoshada ururkaas.
Mudane Jibril Cabdirishiid Xaaji ayaa inta munaasabadda socotay la guddoonsiiyey calanka wadamada ku bahoobay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Munaasabadda waxaa goobgoob joog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaaac iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika