Wednesday, June 25, 2025

Suuq ku yaalla Muqdisho oo loo xiray Muran ka dhashay Lacag lagu soo rogay Ganacsatada

Wararka laga helaayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in albaabada loo laabay Suuq ka mida kuwa ugu waaweyn magaalada oo ku yaalla degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Bakhaarada, ganacsiga waaweyn iyo guud ahaan suuqa Boocle ayaa albaabada loo laabay, kadib markii Ganacsiga Suuqaasi lagu soo rogay inay bixiyaan lacag Maamulka degmada Dharkeynley ku sheegeen inay tahay taakuleyn.

Goobaha Bakhaarada ah ee Suuq Boocle ayaa lagu amray inay bixiyaan lacag dhan $1,000 (Kun doolar) halka goobaha ganacsiga ee caadiga sida dukaamada lagu amray inay bixiyaan lacag dhan $500 oo doolar, waxaana lacagtan al sheegay in lagu dhisayo Wadadda laamiga ah ee isku xirta degaanka  Xoosh iyo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, taasoo hore loo dhagax dhigay.

Ganacsatada Suuq Boocle oo diiday bixinta kharashkaan lagu soo rogay, waxaana xiisad ka dhalatay arrintan ay sababtay in la xiro Suuqa Ganacsiga Suuq Boocle, kadib markiic ciidamada Maamulka degmada ay ku mareen Ganacsatada in gebi ahaanba la xiro Ganacsiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON