Taageerayaasha musharaxa Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa weerarkii ugu horeeyay ee la helay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo dhowaan shaaciyay musahraxnimadiisa.
Xubno la yaqaan oo kamida Guddiga Farmaajo u qaabilsan ololaha doorashada ayaa baahiyay sawirro ku saabsan Shariifka oo qaabilaya dad naafo ah oo ku booqday hoga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho, waxayna ku fadeexeeyeen sida uu Sheekha u dhaqmay iyo halkii uu fariisiyay ee uu kula hadlay dadkaasi.
Sawiradda arrintan laga soo qaaday ayaa wareegaya baraha bulshada, waxaana muuqata in Shariif Sheekh Axmed gool laga dhaliyay inkastoo kuwa arrintan wareeejinaya aysan ak ahayn naxariis basle siyaasad iyo olole doorasho ay la gashay.
DAAWO SAWIRRADA
Goobjooge.com