Waxaa magaalada Muqdisho caawa laga dareemayaa qabanqaabada soo dhoweynta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinta Berri ah ku soo fool leh Caasimadda.
Taageerayaasha Xasan Sheekh ayaa diyaarsaday boorar iyo agabyo kale oo soo dhoweyntiisa ay ugu talogaleen, waxaana laag dareemayaa magaalada inay ka socdaan abaabul lagu dooonayo in taageero loogu muujiyo Xasan Sheekh oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.
Xildhibaannada qabyo iyo kuwii Damjadiid ayaa isu diyaarinaya soo dhoweyntiisa, waxayna baraha bulshada soo dhigeen sawirro lagu taageerayo madaxweynaha hore, waxaana la filayaa inuu caasimadda kusoo kordhiyo culeys siyaasadeed.