Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ee xarunta KG ah ee maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo badan la geeyay goobaha ay ku badan yihiin taageerayaasha wadaadka u xiran dowladda Somaaliya ee Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).
Arrintan ayaa ka dambeysay socdaalka uu magaalada Baydhaba ku tegayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo si weyn amniga loo sugayo, waxaana dhacday in magaalada lagu xardhay boorar waaweyn oo uu ku sawiran yahay Ra’iisal wasaare Kheyre, laakiin degaanada taageerayaasha Sheekh Roobow ayaa la sheegay inay burburiyeen boorarkaasi oo ay jeex jeexeen, taasoo keenay in ciidamo ilaaliya oo wata gaadiidka dagaalka la dhigo wadooyinka degaano ka mida magaalada.
Ciidamo fara badan ayaa la isugu geeyay magaalada Baydhaba, waxayna kala yihiin ciidamo cusub oo la geeyay magaalada, ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo ciidamada maamulka K/Gabeed, waxaana jirta feejih=gnaan ku saabsan in taageerayaasha Mukhtaar Roobow ay falal ka baxsan amniga ku kacaan oo ay uga horjeedaan socdaalka Ra’iisal wasaare Kheyre.