Kulan ay taageerayaasha Wadaadka u xiran dowladda Soomaaliya ee Sheekh Mukhtaar Roobow ku yeeshaan magaalada Muqdisho ayaa looga dalbaday dowladda Somalia inay sii deyso Sheekha oo u xiran muddo sanad ah.
Kulanka waxaa soo agaasimay xisbiga Amni iyo cadaalad oo la sheegay inuu hoggaamiyo Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa lagu xusay sanadguuradii koowaad ee markii Sheekha ay ciidamada Itoobiya ka qabteen magaalada Baydhaba una gacan geliyeen ciidamada NISA, waxayna bayaan ay soo saareen ku sheegeen in Sheekha uu muddo sanad ah dowladda Soomaaliya u afduuban yahay dowladda Somalia, iyadoo aan la ogeyn waxa uu ku sugan yahay iyo xaaladiisa.
Taageerayaasha kulanka ka qeyb galay ayaa watay sawirrada Sheekh Mukhtaar Roobow , waxayna dowladda Soomaaliya ka dalbadeen inay cadaalad u doonayaan 15 qof oo shacab ah oo magaalada Baydhaba ay ku dileen ciidamada dowlada sanadkii hore markii la xiray Sheekh Mukhtaar Roobow.