Sunday, June 22, 2025

Taageerayaashii Farmaajo ee Baraha Bulshada oo weji cusub oo naxdin leh lasoo baxay

Taageerayaasha madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ee Baraha bulshada, looga yiqiin ‘Cayayaanka Baraha bulshada -CBB’ ayaa weji cusub lasoo baxay, kadib doorahsadii looga adkaaday Farmaajo.

Taageerayaashan oo isugu jia qurbe-joog iyo qaar ku nool dhulka Soomaalidu degto ayaa qaarkood soo duubay muuqaallo laga naxay, iyagoo ku hajabaya inay is qarxinayaan ama dab ku shidayana Muqdisho, halka qaar kale ay sii wadaan dacaayado ka dhan ah madaxweynaha cusub.

Kooxahan abaabulan oo shantii sano ee lasoo dhaafay ay maamuleysay Villa Somaliya ayaa la ymid dhaqan xumo siyaasadeed iyo mud bulsho, waxyna qaarkood famaajo ugu yeeraan ‘AABE’, waxayna xaaladu la gaartay inay ninka ay taageeraan yihiin gaarsiiyaan xad kale.

Ad

Qaar ka midia taageerayaasha Farmaajo oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Somali-Kenyan ah ayaa hore ugu caan baxay aflagaadeynta madaxda mucaaradka ee Farmaajo ka horjeeda, sida Ra’iisal wsaare Rooble iyo Musharixiintii Madaxweynaha.

Wejiga cusub ee taageerayaashee ‘CBB’ ee Farmaajo oo ah mid denbiilenimo u xuubsiibnaya ayaa durba ka mid noqonaya arrimaha ugu horeeya ee ay la tacaali doonto xukuumadda cusub ee Federaalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON