Sunday, July 13, 2025

Taalladii Boqorkii Itoobiyaanka ee Haile Selassie oo lagu burburiyey magaalada London

Wararka laga helayo magaalaa London ayaa sheegaya in Taalladii Boqorkii hore ee Itoobiya Haile Selassie weerar lagu qaaday, laguna burburiyay barxadda Wimbledon ee magaalada London.

Booliska Imagaalada London ayaa baaraya falkaasi lagu burburiyey Taallada Boqor reer Itoobiya, iyadoo taalladaasi la baabi’iyey dhulkana lasoo dhigay. Taallada Haile Selassie ayaa waxaa burburiyay boqol dhalinyaro ah.

Arrintan ayaa xiriir la leh qalalaasaha ka taagan dalka Itoobiya, kadib dilkii loo geystay fannaankii caanka ahaa ee Oromada Haacaaluu Hundeessaa oo maanta lagu aasayo gobolka uu kasoo jeedo ee Amba.

Boqor Haile Selassie ayaa ku noolaan jiray dalka Ingiriiska sannadkii 1936-dii markii dalkiisa ay ku duuleen Talyaaniga.

Kumannaan qof oo taageerayaal ah ayaa isu tagay si ay ugu baroor diiqaan Hachalu Hundessa, oo la dilay habeenkii Isniinta, xilli uu gaarigiisa watay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON