Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Allaha u naxariistee Kabtan Cabdicasiis Maxamuud Maxamed oo ahaa madaxa howlgelinta Ciidamada Mareykanku tababarray ee Danab.
Sarkaalkan dhalinyarrada ah ayaa u dhintay dhaawac culus oo kasoo gaaray weerar ay Dabley ka tirsan Alsahbaab ku qaadeen 29-kii bishii Ramadaan, wuxuuna galay xaalad culus oo koomo ah, taasoo ka dhalatay xabbad madaxa uga jirtay.
Dhaqaatiirta isbitaalka xoogga oo la dhigay ayaa sheegay inaan dibadda loo qaadi karin, inta xaaladiisa kasoo hagaageyso, balse maalmo kadib wuu geeriyooday, waxayna saraakiisha iyo xildhibaanada ku metela dowladda ay sheegeen in dadaal loogu jiray sidii dibadda loogu qaadi lahaa.
Weerarka lagu dhaawacay Dhamme C/casiis Maxamud ayaa ka dhacay xaafadda Korontada degmada Wadajir, waxaana sheegtay Alshabaab oo sarkaalkan ku tilmaantay ninka hoggaaminaya Diyaaradaha Drone-ka Mareykanka ee lagu duqeeyo Alshabaab, iyadoo Bayaan gaara kasoo saartay geeridiisa.
Sarkaalkan ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho, wuxuuna tababar ciidan u tegay dalalka Uganda, Itoobiya iyo Mareykanka, isagoo ka mid ahaa saraakiisha ugu horeysay ee Mareykanka u tababaray howlgallada diyaaradaha Drone-ka.
Wuxuu ka tegay Xaas iyo caruurm waxaana lagu tilmaamay sarkaal firfircoon oo ciidamada jecel yihiin, isla markaana ku takhasusay farsamooyina ciidamada Dhulka, isagoo hadda ahaa ku xigeenka hoggaanka howlgelinta ee ciidamada Danab.
Aaska Allaha u naxariistee Kabtan C/casiis waxaa maanta ka qeyb galay wasiirka Gaashaandhigga, xildhibaanno, saraakiil, mas’uuliyiin iyo dadweyne kale oo ehel la ahaa.
