Tuesday, June 24, 2025

Tahriibayaal Somali ah oo maanta lagu aasayo Jasiirad ku taalla dalka Greece (Akhriso Magacyada)

Waxaa maanta lagu aasayaa Jasiirad ku taalla dalka Giriigga, Allaha u naxariistee dhallinyaro Soomaali ah oo ka tahriibay dalka Turkiga, kadibna galay dalka Greece.

Dhalinyaraddan oo magaalada Izmir ee dalka Turkiga ka baxay 28-kii Febraayo 2022, ayaa ku geeriyoodeen Badda, waxaana dadaal dheer kadib la xaqiijiyey meydadkooda oo maanta lagu aasayo Jasiiradda Lespos ee dalka Greece.

Akhbaarta dhalinyararada Tahriibayaasha ah ayaa la waayey aakhirkii Bisha Febraayo ilaa 4-ta bishan Maarso, kadibna waxaa la ogaaday inay geeriyoodeen, markii ay Baddu soo tuftay meydadkooda magaalo xeebeed ka mida jasiiradda Lespos, ee dalka Greece.

Geerida dhalinyaradan ayaa waxaa lagu xaqiijiyey sawirrada meydadkooda oo eheledooda ay heleen, waxaana la sheegay inay dhinteen 1-da Bishan Maarso 2022, iyadoo safaaradda Soomaalida ee Turkiga ay gacan ka geysatay sidii loogu aasi lahaa Jasiiradda Lespos.

Dhalinyaradda maanta la aasayo waxay kala yihiin:

1- Maxamed Mustafe Xasan

2- Cabdalla Maxamed Warsame

3- Ibraahim Axmed Bille

4- Aasiya Ciise Aadan

5- Muna Aw-Cabdi Ibraahim

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON