Wednesday, July 2, 2025

Taiwan oo xafiis diblomaasiyadeed ka furatay magaalada Hargeysa

Jasiirada Taiwan oo ah maamul ka go’ay dalweynaha Shiinaha ayaa xafiis diblomaasiyadeed ka furtay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Furitaanka xafiiska ayaa saaka ka dhacay magaalada Hargeysa iyado ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, iyo xubno ka socday Taiwan, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda Taiwan Jesoph Wu uu khadka Internetka uga qeyb galay xafladda.

Taiwan iyo Somaliland oo ah laba maamul oo aan la aqoonsan ayaa isu soo dhowaaday muddooyinkii danbe waxaana mid waliba uu wakiil diblomaasi u magacaabay dhinaca kale inuu u metelo.

Shiinaha ayaa si weyn uga carooday arrintan, inkastoo wafdi ka socda Shiinaha oo tegay Somaliland kadib aanu hor istaagin tallaabadan.

Image

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON