Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ka mida siyaasiyiinta ugu waaweyn mucaaradka ayaa cambaareeyay weerarkii Alshabaab ku qaadeen Hotelka Elite ee magaalada Muqdisho, isagoo dalbaday in xilka laga qaado Agaasimaha Hay’adda NISA.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay C/raxmaan C/shakuur Warsame in maalmahan danbe ay sii kordheen weerarrada iyo qaraxyada argagixisada ka wado caasimadda, isagoo ku eedeeyay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka inay ku fashilantay xilkeedii.
“Way caddahay fashilka hay’adda NISA iyo xil gudasho la’aanta taliska hay’adda. Haddaba, waxaan ka dalbaneynaa Madaxweynaha inuu dib u habeyn dhinaca hoggaanka ah ku sameeyo NISA, danta shacabka ka hormariyo danta saaxibtinnimo ee kala dhaxaysa taliyaha NISA..” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/raxmaan C/shakuur.
Hay’adda NISA ayaan xilligan lahayn agaasime ku-xigeeno waxaana maamulka Fahad Yaasiiin oo ah saaxiibka ugu dhow ee Madaxweyne Farmaajo.
