Wararka laga helayo hay’adaha ammaanka ee baarista ku haya dilkii wasiirkii howlaha guud Marxuum Cabbaas C/llaahi Siraaji ayaa sheegaya in hanti dhowraha loo heystay dacwad hore.
Nuur Faarax Jimcaale ayaa intii aan laga qaadin xilka la sheegay inuu ku lug yeeshay dacwad dhan ah Booliska, isagoo qoraal u qoray taliska Booliska Soomaaliyeed, taasoo markii la baaray uu ka been sheegay sida kiiskaasi udhacay.
Askari ilaalo u ahaa hantid dhowrka oo ah qofk loo heysto dilka wasiir Cabbaas Siraaji ayaa la sheegay in horaantiio Bishii April ay isku dhaceen ciidamada Booliska, kadib markii uu bar koontarool xoog ku maray gaariga hanti dhowrka, askarigana uu qori ku handaday askar boolis ah.
Ciidamada Booliska oo isugu tegay askarigan ayaa qabtay kana qaaday qoriga oo weli la sheegay inay gacanta ku hayaan, laakiin waxaa dhacday in Hanti-dhowraha uu qoraal dacwado ah u qoray taliska Booliska isagoo sheegay in laba qori laga qaatay ilaalada gaarigiisa, isagoo la socda.
Taliska Booliska ayaa ku dooday in hanti dhowrka uu ka been sheegay kiiska oo aanu gaariga la socon marka shilku dhacay, isla markaana hal qoriga oo kaliya laga qaaday askriga dhibaatada geystay oo uu isagu soo daayay markii danbe.
Goobjooge.com