Wednesday, July 2, 2025

Booliska oo faahfaahiyey Qarixii Muqdisho [Warbaahinta oo laga joojiyey goobaha Qaraxyada xilliga..]

Ciidamada Amniga ayaa faahfaahin ka bixiyey qarixii caawa ka dhacay agagaarka Dugsiga Sare ee Booliska Muqdisho, nooca gaariga iyo qasaaraha uu geysatay.

Shir jaraa’id oo ay qabtay taliye ku xigeenka Booliska Jen. Zakiya
Xuseen Axmed ayay ku sheegtay in Gaariga qarxay caawa wuxuu ahaa nooca raaxad ee Toyoto Premio oo midabkiisu ahaa cad, isagoo ku qarxay inta u dhaxeysa Dugsiga Jenaraal Kaahiye iyo Isbitaalka Yardimeli.

Qaraxa ayaa geysatay dhaawaca 8 qof oo la sheegay in afar ka mida uu dhaawacoodu sahlaa, iyadoo wararka qaar sheegeen inuu qof ku dhintay.

Taliye ku xigeenka Booliska Zakiya ayaa ka codsatay shacabka haddii ay arkaan dad khatar ku ah amniga inay soo wici karaan telefoonka ee 991, kuna wargeliyaan.

Waxay intaas ku dartay in la soo rogay amar ah haddii Qarax dhaco inaan loo ogoleyn goobta qaraxu ka dhacay warbaahinta iyo shacabka inta laga hubinayo in uusan jirin gaari kale oo qarxi kara.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON