Tuesday, June 24, 2025

Taliska Booliska oo shaaciyey in la qabtay Darawalkii waday Gaari ku Qarxay KM 4.

Taliska ciidamada Booliska ayaa shaaciyey in la qabay Darawalkii waday gaarigii labaad ku qarxay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska KM 4.

Qaraxa oo ka dhashay Gaari nooca Toyota NOAH ah ayaa ku qarxay KM 4, wadadda aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho oo ciidamo ay ku sugan yihiin, ahna bar weyn oo laga ilaaliyo Garoonka Muqdisho iyo aagga ku xeeran.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Zakia Xuseen Axmed, ayaa sheegtay inay Ciidamadu gcanta ku dhigeen wadihii Gaariga., isla markaana qaraxa aanu wax qasaare ah geysan.

“Waxaa agagaarka KM4 ku qarxay gaari noociisa yahay Toyota NOHA oo qalin ah, ciidamada amniga ayaa ku guleeystay in ay gacanta ku soo dhigaan wadihii gaarigaas wax qasaarana ma uusan geysan qaraxaas”. ayay tiri Taliye Zakia Xuseen Axmed.

Gen Zakia ayaan wax faahfaahin ah qaraxii kale ee ka dhacay Isgoyska Sayidka oo ahaa qarax culus, waxayna shegtay inay dib kasoo sheegi doonto faahfaahintiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON