Monday, June 23, 2025

Taliska Booliska oo War kasoo saaray Haween meydadkooda la soo dhigay degmada Deyniile

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Warr kasoo saaray Haween lagu dilay degmada Deyniile oo meydadkooda lagu arkay xaafad ka tirsana degmadaasi, magaalada Muqdisho.

Booliska oo baaritaan ku wada haweenkaasi ayaa warka kasoo baxay lagu sheegay in Haweenkaasi ay ka tirsanaayeen shaqaalaha qeybta Nadaafadda ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayna dilkooda ka dambeeyeen koox hubeysan oo lagu tuhunsan yahay inay Alshabaab yihiin.

“Booliska Soomaaliya ayaa baaraya dil loo gaystay Saaka 3 Dumar ah oo 2 ka mid ah ay Xaamilo ahaayeen, kuwaasoo ay toogteen Maleeshiyaad la rumaysan yahay inay Argagixiso yihiin. Ma ahan wax ku cusub Dadka Soomaaliyeed in Hooyooyin nolol u raadsanaya caruurtooda ay si arxan darro ah isaga dilaan Kooxaha Argagixisadda ah” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Booliska.

Haweenkan ayaa la sheegay inay ahaayeen afar, iyadoo midkooda ay ka baxsatay dableyda dilka u geysatay, halka laba ka mida ay xaamilo ahaayeen, waana markii ee Muqdisho lagu arko meydad dhowr ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON