Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyey inay Xabsiga dhigeen askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska oo lagu eedeeyay inuu baad ka qaatay dadka gaadiidka wata.
Afhayeenka Ciidanka booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in askariga lagu magacaabo Cabdi Cabdulle Xasan in Ciidanka ay soo xireen kadib markii uu qof Shacab ah ka qaaday lacag baad ah shalay, laguna xiray qeybta CID-da iyadoo loo gudbin doono Maxkamad.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay inay xiran yihiin ku dhawaad 30 isugu jira Saraakiil iyo Askar loo heysto eedeymo ka dhan ah Musuqmaasuq oo uu ka mid yahay taliyihii saldhigga degmada Wardhiigley.
Kiiska Askarigan oo la sheegay inuu 2 Doolar ka qaatay qof sahcab ah ayaa si weyn loogu faafiyey baraha bulshada, taasoo keenay in taliska ciidamada Booliska uu askarigaasi xabsi u taxaabo.