Sunday, July 13, 2025

Taliska Booliska Soomaaliya oo War kasoo saaray weerarkii Hotel SYL (Waa la dilay dhammaan 5-tii Argagixisadu soo dirtay]

Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa War-saxaafadeed kasoo saaray weerarkii Dabley ka tirsan Alshabaab xalay ku galeen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in la dilay dhammaan 5-tii dableyda ahayd ee argagixisada Alshabaab, isla markaana qaraasaha ka dhashay weerarka inta la xaqiijiyey uu yahay 5 qof oo isugu jira 3 shacab ah iyo 2 askari, halka lagu dhaawacay 11 oo 9 ka mida ay shacab yihiin iyo 2 askari.

Warka kasoo baxay ciidamada Booliska ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo laga soo saaro weerar Alshabaab ka geystaan magaalada Muqdisho, waxaana ilo kale ay sheegayaan in qasaaraha intaas ka badan yahay.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON