Taliska ciidamada xoogga ee ka howlgala gobolk Gedo ayaa faafiyey xog ku saabsan Amiirka Alshabaab ugu sareeya ee Sheekh Axmed Cumar (Abuu Cubeyda).
Taliyaha Qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Jen. Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in xogo ay heleen ay sheegayaan in Horjoogaha ugu sareeya Aragagxisada Al shabaab Axmed Diiriye uu ku dhuumaaleysanayo qeybo ka mid Gobolka Gedo oo maalmo ka hor uu soo gaaray isaga oo ay la socdayaan maleeshiyooyin fara badan.
Taliye Saxardiid ayaa sheegay in Horjooge Axmed Diiriye uu kasoo cararay Degmada Jilib ee Gobalka Jubada dhexe, kadib Cadaadis xoogan uu kala kulmay Hawgalada dhulka iyo cirka oo Ciidamada xoogga dalka iyo Saaxiibada caalamka ay ku beegsanayaan Al shabaab.
Wuxuu taliyaha intaas ku daray Amiirka Alshabaab uu naf kula soo cararay Gobalka Gedo si uu uga baxsado ciidamada, laakiin Sirdoonka Soomaaliya iyo ciidamadda Xoogga dalka ayaa ku bartilmaameedsan doono goob kasta oo uu ku dhuumaaleysanayo, sida uu sheegay taliyaha.