Taliska ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gaadiid cusub nooca howlgallada ah ugu deeqday Ciidamada Booliska magaalada Kismaayo ee maamulka Jubba kadib socdaal uu halkaasi ku tegay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Maxamed Sheekh Xasan.
Gaadiidkan oo dhowaan loogu deeqay ciidamada Booliska dalka ayaa 4 gaari oo ka mida Taliska Booliska Soomaaliya u diray magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacday xaflad lagu wareejiyay baabuurtaasi iyadoo uu magaalada Kismaayo ku sugnaa Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, waxaana la wareegay sii-haye wasiir Maxamed Warsame Darwiish oo isna ku wareejiyay Booliska Kismaayo.
Goobjooge.com