Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa war cad kasoo saartay weerarkii Bishii Hoe ka dhacay degaanka Macalinka ee duleedka Afgooye una dhow degaanka Bariire oo la sheegay in lagu dilay dad rayid ah oo beer ku sugnaa.
War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in kaalinta ciidamada Mareykanka ee howlgalkii 9-ka May 2018 ay ahayd talo iyo taageero, howlgalkana ay hoggaamineysay, isla markaana wararkii sheegayay in dad rayid ah lagu dilay ay yihiin kuwo aan sax ahayn.
Taliska ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay dib u eegeen wixii dhacay iyo faahfaahinta ku saabsan shilkaasi, isla markaana ay dhammaan xormeeyaan sharciga dhowrista dagaalada.
HOOS KA AKHRISO WARBIXINTA WEERARKA
DAAWO: Meydadka Dad Shacab oo lagu laayey Duleedka Bariire oo la keenay Magaalada Muqdisho