Taliska ciidamada Mareykanak ee Afrika ayaa war kasoo saaray Duqeyn dhinaca cirka ah oo maanta ay ka fuliyeen dagaalamyaasha Al-Shabaab ay ku sugan degaanka Kuunya Barow ee Gobolka Shabeelada Hoose.
War saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka dhanka cirka ah ay si wadajir ah u fuliyeen, iyagoo kaashanaya ciidamada dowladda faderaalka Soomaaliya, iyadoo lagu dilay mid ka mida argagixisada Alshabaab, ayna socoto qiimeynta weerarka duqeynta ah..
Madaxda hawlgalada u qabilsan ciidamada Africom Major General William Gayler, ayaa sheegay in weerarka kadib qiimayn ay sameeyeen ay ku ogaadeen in wax shacab ah aysan weerarkaasi waxna ku noqonin. Madaxa hawlgalada Africom ayaa sidoo kale sheegay in weerarka uu tusaale u yahay cadaadiska ay ciidamada Mareykanka ee Afrika saarayaan shabakadaha hubaysan ee xiriirka al-Qacida sida dagaalamyaasha al-Shabaab.
