Friday, June 27, 2025

Taliska Ciidamada Mareykanka oo shaaciyey inuu Duqeyn ku dilay 6 ka mida Daacishta Somalia

Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICA ayaa sheegay inay xubno ka tirsan kooxda Daacish ku dileen duqeyn 4-tii bishan ka dhacday buuraha Golis ee gobolka Bari ee Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa ah tii toddobaad oo bishii u dambeysay lala beegsado kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee buuraha Goolis. “Waxaan sii wadi doonnaa inaan cadaadis saarno shabakadaha argagixisada Soomaaliya, si dowladnimada ay u hanaqaado” waxaa sidaas yiri Jeneral William P. West, oo ah agaasime ku-xigeenka howl-gallada ee taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Jeneral West ayaa sheegay in Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonaan inay ka faa’iideystaan fursadaha ay ka helaan kooxahan argagixisada si loo arbusho howlgalladooda, loona wiiqo awooddooda.

Weerarkan dhacay Arbacadii ayaa waxaa lagu dilay lix ka mid ah kooxaha mintidiinta Daacish. Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay rumeysan yihiin in dad shacab ah aysan wax ku noqon duqeyntii ugu dambeysay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON