Taliska Millatariga dalka Uganda ayaa sheegay sheegay in ciidanka Uganda ee ka tirsan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay Gobolka Sh/Hoose ku dileen 189 dagaalyahan oo ka tirsan ururka Al Shabab.
Bayaan kasoo baxay Taliska Millatariga Uganda ayaa lagu sheegay, in ciidankooda ay Jimcihi weerareen xarumo ay Al Shabab ku lahaayeen tuulooyinka Siigaale, Adimoole iyo Kayitoy ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo ilaa 100 KM dhinaca koofurgalbeed uga beegan magaalada Muqdisho.
Sida ay sheegeen ciidanka Uganda, weerarkaas ayaa waxaa sidoo kale lagu burburiyay hub ay lahaayeen maleeshiyaadka Al Shabab. Ma jirto wax war ah oo arrintani ku saabsan oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabab.
Ciidanka Uganda ayaa qeyb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta uu Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa howlgalkan uu yahay kii ugu weynaa ee ay sheegaan inay ku dileen tiro Alshabaab intaas la eg.
