Taliska ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay uu la noqday ciidamadii milateriga ee ilaalada u ahaa guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Ciidamadan ayaa lagu heystaa inay qeyb ka noqdeen falkii maanta ka dhacay xarunta Baarlamaanka, iyadoo la sheegay in taliska Milateriga uu dhammaan qabqabtay ciidamo la sheegay inay qabsadeen xarunta Baarlamaanka oo aan ka mid ahayn ilaalada guddoonka Baarlamaanka.
Ilaaladii Guddoomiye Jawaari ee milateriga ahaa, kana tirsanaa ururka 60aad ee ciidamada milateriga ayaa la sheegay in laga qaaday caawa xarunta Guddoomiye Jawaari ee Villa Hareyesa, iyadoo la sheegay in ciidamo kale lagu bedelayo ilaalada Guddoomiye Jawaari.
Waxaa kaloo la filayaa in ciidamada ilaalada Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad isna laga bedelo ciidamada milateriga ee ilaalada u ah.
Arrintan ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay xildhibaannada taageersan Guddoomiye Jawaari, iyagoo sheegay inay wax lala yaabo tahay in ciidamadii ilaalinayey xarunta Villa Hargeysa laga qaado.