Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaciyey in dagaalkii maanta ka dhacay Gobolka Sh/Dhexe, gaar ahaan degaanka War-ciise iyo Warta Jillaabe ay ku dileen Alshabaab fara badan.
Afhayeenka ciidanka Xoogga dalka Col. Cali Xaashi ayaa sheegay inay ku dileen dagaalka in ka badan 70 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay guullo ka gaareen dagaalka.
“Ciidamada waxa ay ka dagaalameen aagag fara badan, jab xoogleh ayaana u geysanay argagixisada Al-Shabaab, dagaalka xoogiisa waxa uu ka dhacay Warta Jilaable oo hadda noqotay meel dhiigooda uu qariyay biyaha Warta” ayuu yiri Kornayl Cali Xaashi oo warramay Warbaahinta Dowladda
Wuxuu sheegay inay dib kasoo sheegi doonaan faahfaahin qasaaraha, lana wadaagi doonaan Warbaahinta, laakiin sooma hadal qaadin qasaaraha gaaray ciidmada dowladda oo taliye ka tirsan ciidamada Gorgor lagu dilay.
