Ujeedka weerarkii saf-mareenkii ahaa ee ciidamada dowladda oo gacan ka helaya AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah ku qaadeen shalay degaano ka tirsan Gobolka SH/hoose ayaa la ogaaday.
Abaanduulaha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Gen. C/llaahi Cali Caanood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay shalay dagaalkii dhacay kula wareegeyn deegaano, Gaadiid dagaal iyo Saanad ciidan, sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ay qarxiyeen Qaraxyo Gawaari ku rarnaa oo loo soo waday Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.
Weerarka ayaa lagu burburiyey Idaacadii Alshabaab Idaacad FM ah oo ay u isticmaali jireen dacaayadaha taasoo lagu magacaabo Andalus. Waxaa kaloo abaanduulaha uu sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gacanta ku dhigeen, kaddibna burburiyeen Labo gaari Qaraxyo siday.
Ciidamada dowlada ayaa isaga baxay degaanadii ay shalay qabsadeen, iyadoo Alshabaab ay dib ula wareegeen
DHAGEYSO ABAANDUULAHA