Wednesday, June 25, 2025

Taliyaha Booliska Faahfaahin Cusub ka bixiyey falalkii ugu danbeeyay ee Amniga Muqdisho [Dhageyso

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay xaalada amniga ee Magalada Muqdisho oo muddooyinkii ugu danbeeyay dilal kala duwan ay ka dhaceen.

Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa codsi u jeediyey warbaahinta, isagoo sheegay in looga baahan yahay inay qeybtooda ka qaataan, iyadoo Amnigu yahay mas’uuliyad wadarreed loo baahan yahay in la iska kaashado.

Wuxuu caddeeyay in fal kasta oo Muqddsho sheegay in dad loo qabtay, ayna balan qaadayaan in dembi kasta oo dhaca maxkamad loo soo taagi doono dadkii ka danbeeyay, isagoo ku celiyey in dilalkii dhacay dad loo heystay qaarkood, isla saaka maxkamad loo soo taagay.

“Amnigu qof kasta waajib ayuu ku yahay, dadkana iyagaa amnigooda ilaaliya, ciidamada Booliska wuxuu u joogaa inuu dembigii dhaca ka daba tago.. dariiq kasta Boolis ayaa taagan… laakiin ma aha in la yiraahdo amniga faraha ayuu ka baxay..” ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa beeniyay warar la isla dhex marayey oo sheegayey in Keliyaha laga la baxay canug yar oo anbad ahaa kaasoo meydkiisa laga helay xaafadda Jungal ee degmada Yaaqshiid, magaalada Muqdisho.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON